App logo

KEYANN K.

@keyann

1.2K

friends

Kaalay soo dhawoow Dhagta saar wadnaha Garaaciisa dhugo Codka dheeho maqal Dhugtu waa dareen Waa dhawaaq jacayl Qalbi Aad dhex taal Adigaa ku dhigan Xidid dhiiga sidaa Sambabkuu ku dhacay Xinjir dharagtay buu Ku dhaliilay doon Dhaayo baahan baa Dheehaaga taba Niyyad dheelidaad Dhamayskeedi tahay ——————————————————— Adaa bidhaan iyo dhalaal leh Adaa boqol iiga fiican Adaa boqran oo kun dhaan ah Adaa bilic iyo iftiin leh Barwaaqiyo raasamaal leh Badhaadhuhu waa agtaada Balaayaduna kaa xijaaban ———————————————- Kalgacal biyo dhigay dareenka Qalbiga La kadnaa kadeedka Kacaa kufayee kalkaalka Ku qaba kasha laabta beerka Naftaa kugu kooban koonka Kalina kuu jecel gayaanka Kool kooli dawee bal Kaarka Kurbada iyo kohasho reenka ——————————————————— Wadnahayga qasriba ku yaal adiga ku qaalan Quful baa ku jaban aawada ruuxna qaban waaye Qalbigiyo jirkayguna dartaa adiga ku qooman Ma qirsani inay ooman yihiin qaar adoo kale ihi Quruxdaada ani iiga dhigan qayb janada taala Qosolkaaga macaan Igu filan quud la’ii keeno Qudhad daadu hanti Iigu roon qaadir hibadiisa Qamuunyada la’aanta macan qiiro geli maanka ——————————————————— Aragaaga Yaa aragsaneey Eegmo la ogaada Udugaagaa ya udugsado Abid ku raxaysta Yaa dareen ikhyaarnimo Dabed kugu asqeysiya Yaa ku ilaashada Sidi ubad la koolkoolyo Ixtiraamka ya kuugudara Amin iyo dacad Awlaad khayr leh ya ka dhaloo Adhaxda kuu saara Ayatiinka noloshaada Yaa farax ku iidama ——————————————————— Garaadkaygu meelaha badhkood ani igayn maayo ——————————————————— Wed nin sugayaa shaygii ka yari, waa waxboo kale e ——————————————————— Dib baa xaajada loo dhagax guraa tay u dhaadhiciye —————————————————— Waxaad aadanoow maagan tahay adiyo maankaagu, Iyo Meel ilaaheey ku Marin kala mid weeyaane. —————————————————— Hadduu Aamus Doqonimo dhalay, hadalna Aafoobay Allow yaa wax lagu eed baxoo, adaa garanaaya —————————————————— Hiil iyo Ninkaan hoo lahayn Hadalna kuu goynin Haybtiisu waxay kuu tartaa hadimo weeyaan’e —————————————————— ماذا أَفَادَتني هدايا أُهْدِيَتْ بَعدَ اكْتِفاكَ كَيْفَ التَّجَمُّلُ في مَرَايَا لا أَرَى فيها سِوَاكَ أَخْلَقْتَهَا حَتَّى تَرَى مَنْ قَدْ خَلَقْتَ لِكَيْ تَرَاكَ فَتَشُدُّ مِنْ أَحْبَالِ صَوْتِي كُلَّمَا صَوْتٌ دَعَاكَ ——————————