Burjaawi .
@burjuwaasi
1.1K
friends
Soomaali baa heshiisiyo Dunidaa heshiis la ah Waa sheeko huuhaaye Halkaa aniga iga qora! Soomaaliland hala Ictiraafna heli doonta Waa sheeko huuheeye Halkaa iyana iga qora! β οΈβ Mar hadii go'aamadii Dastuurkii lawada galay Goor hore la gees maray Geel isuguma keen jiro!! π€π€ Soomaaliyeey Qaran Qaynuunkii diidee Qoys qoys u kala go'a!! βοΈβοΈ Allahayow clubhouse Maxay baray kadeedkiisa Faa'iido kuma qabo Mana dayn karaayee!! πΈπ΄ Somaliyey walaalow Oo noqo wadaniyiin Wadajiroo iswadajecel Aan wadankan kala jarin Walaallooba kuligiin Hooy wadari xooglee Gobonimada wada jira Koonfur iyo waqooyoow Yaan laydin kala wadan Warmo laysku kiin siin Wiyeey laysku kiin dirin War Somaali weyneey Waligaa isweheshoo Noqo wadan barwaaqa ah Oo nabad ku waar abid!! π€©β£β£β£β£β£β£β£β£ Dhool dhalan wanaageey Dhaayahayga aragaaga Dhaygag baa kasoo hadhay Dheeh wanaaga midabkiyo Dheeraanta joogaagiyo Dhexda yar iyo gaadada Dhac kasiiinta laafyaha Dhamaantaa kor iyo hoos Dhool dhalan wanaageey Waxaad tahay dhamaystiran Qurux loo dhameeyoo Middaan adiga kula dhigo Weli aysan dhalanine!! Dhulka hadaad ku noolayd Malaa anigaa dhoohnaayoo Awal aan wax dhugan jirin Mise xalay mid dhalatiyo Rooblasoodhac baad tahay Dhakafaaray aniguye!! β β β β β β β β β β Qofka anigu aan ahay Ma qiimayn karayside Hays oran qiyaasoo Qalad hayga aaminin!! Wax qayrkaygu kugu yiri Qadaf iyo sax kuu rabay Hay qabanin anigoo Qalbigaaga hay galin!! Qofka anigu aan aahay Anigaa qareen u ah Qaadina illaahay Umataalo qayrkay!! βͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈβͺοΈ Ninka hooyadii xaas Haa iyo maya u waydiin Inay timaado hoygiisa Waa huuraale caasiya Haweenay ay u talisoo Raganimo hankeed gabay Yaan hadal la waydiin!! β₯οΈβ‘β₯οΈβ‘β₯οΈβ‘β₯οΈβ‘ Feminism waa fayris Fasahaadshey dumarkii Diinteenii furqaan iyo Ka fogeeyey dhaqankii!! β€β‘β€β‘β€β‘β€β‘β€β‘β€ Uurkaaga ruux ogi Aamini maayo ereyada Afka aad kaleedahay ~~~~~~~~~~~~~~~~ Xasad baan dadkeena Xabad aan kareebayn Xil haduu midkeen helo Ama xoolo iyo sharaf Qaarbaa xanuunsano Xumadi ay kudhacaysa Xaajo ugubna maahee Illaa xaawo iyo aadan Dadku ways xaqirayeen!! xurmo qaaraad siisaa Xabaal adiga kuu qoda Qaaraad xumaysaana Dantaadey u xiiqeene Xis uyeelo aadmiga Xidhiidh kaad la leedahay Kuli wada xulmaahee!! ~~~~~~~~~~~~~~~~~ ββββββ‘β‘ββββ Falastiimba waabeey Wadan jira ahaydoo Walhinaysay calanoo Welwel uusan kaga jirin Inay waayi doonaan War soomaali weyneey Waydinkan isdilayee Qarankiini wiiqee Inuu cadow bad iyo wabi Wiidaystay waa hore Lana wareegi waa dhaw Waad moogtihiin weli?!